Welcome To Bristol Somali Youth Football Club
     
Welcome To Bristol Somali Youth Football Club

About BSYCS Page

BSYCS Photo Page

What's New BSYCS

Contact Page

Favorite Links

Guest Book Page

Slide Show Page

Photo2 Page

Photo3 Page

Photo4 Page

Custom Page

 

Welcome To Somali Bristol Youth Football Club Home Page


C/O BDA

5 Russell Town Avenue

Redfield

Bristol

BS5 9LT

Our Aim
 
To provide a wide variety of activity programmes and training courses through local Somali youth in Bristol, enabling young people to identify their own culture abilities and develop new skills, which will encourage a sustained participation in an active, healthy lifestyle.
Thanks to our independent status, we are able to be reactive and flexible, responding to local needs and ideas. We also like to involve parents and volunteers in the design and delivery of our programmes at all levels.
A)      To provide cultural classes for the age 11-25
B)      To engage young women and man provide them with socializing and leisure spaces such as events, sport tournament and summer school

BSYFC

Xasuus Somali we sure do miss Picture of the day

ssssss

Welcome To Somali Culture and Art  Page

 

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 2-1 uga adkaaday Xulka Dalka Djibouti
Group A Kenya Zanzibar Rwanda Eritrea
Group B Ethiopia Uganda Djibouti Somalia
Group C Brundi Sudan Tanzania       -

Axad, November 27, 2005(HOL): Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ciyaar maanta dhexmartay Xulka Dalka Jabuuti waxaa uu uga adkaaday 2-1, sida uu shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda C/qani Siciid Carab oo hoggaaminaya wafdiga Ciyaartoyda ee tartankan ka qeybgelaya.

Ciyaarta gelinkeedii hore ayaa xulka Soomaaliya waxaa uu u suurtagashay in uu gool u dhaliyo ciyaaryahan C/xakiin oo ka mid ah dhalinyaradii dhawaan laga keenay dalka Ingiriiska si ay u xoojiyaan Xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna qeybtii hore ee ciyaarta ku soo gebagebowday 1-0 oo ay Soomaaliya hoggaanka ku heysay.

Ciyaarta qeybteedii labaad markii la isugu laabtay ayaa Xulka Jabuuti waxaa u suurtagashay in uu goolkii barbarada dhaliyo, hayeeshee mar kale ayay xulka Soomaaliya iyadoo lagu jiro waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray (additional time) waxaa u suurtagashay ciyaaryahan Maxamed Nuur Shaarkeey in uu dhaliyo goolkii guusha, waxayna ciyaartii ku soo gebagebowday 2-1 oo ay xulka Soomaaliya ku adkaadeen.

C/qani Saciid Carab waxaa uu sheegay in ciyaartoyda Soomaaliyeed kuwii Xamar ka tegay iyo kuwii kale ee Yurub ka tegay ay Kubadda si wanaagsan isula qeybsadeen, isla markaana uu yaraa ganaax dhinaca garsooraha uga yimid ciyaartoyda Soomaaliyeed, marka laga reebo ciyaaryahan lagu magacaabo Wakiil oo calaamadda Jaalaha qaatay.

Ciyaarta tan xigta xulka Soomaaliya waxay Talaadada soo socota (29-ka bishan) wada yeelan doonaan xulka Suudaan, midka xigana Itoobiya, kan ugu dambeeyana Uganda, iyadoo kulamadaasina uu C/qani sheegay in ay guul ka keeni doonaan Xulka Soomaaliyeed, inkastoo Kubadduna Cad iyo Madow tahay oo adigoo awood leh mararka qaarkood lagaa badin karo.

Tartankan oo lagu qabanayo Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda, isla markaana ay ka qeybgelayaan 11 dal ayaa qorshuhu ahaa in seddex group loo kala qeybiyo, waxaana haatan laga dhigay labo group oo min shan kooxood ah kadib markii daqiiqadihii ugu dambeeyay ee tartanka bilaaban lahaa uu xulka Kenya sheegay in uusan tartanka ka qeybgeleynin sanadkan.


 
A Dirshe

Biristol Somali Business Link

 


BSYCS Information

Thanks for your time today  

Hadii aad dooneysid in laguu xayeesiiso mashruucaaga fadlan lasoo xariir Tel: 07944394331 Dirshe

13


Send an email
 
   
 

So booqo marlabaad Mahadsanid