Bristol Somali Youth & Cultural Society
Ururka Maantay waxuu la kulmay argo ka socoto ururada qaban qaabiyo tartanka kubada cagta ee ka dhaco dalka Sweden halkas waxeyna isku afgarteen in koox Bristol ka socoto in ey ka so qeeb kasho sanadka soo socda tariikhda markey tahay July 2006 hadii ilaahey yiraahdo. waxii aqbaar intaan sii dheer waxaad laso xariirta maamulka BSYCS.
Kooxda kuuleysato waxeey booqasho ku tagi doonaan tartanka ka dhici doono dalka Sweden hadii ilaahey yiraahdo. Maamulka BSYCS

|
Bristol -Waxaa bishii ina dhaaftay ee May14dii ka dhacay magaaladan Bristol tartan kubada cagta ah oo loogu magac daray ( ururka BSYCS) oo u taagan ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee Bristol, waxaana ka soo qayb galay 10 kooxood oo ka kala yimid Bristol iyo nawaaxigeeda.
Magacyada kooxaha ka qayb galayna waa kuwan hoos ku xusan.
1. Gacan Libaax Team
2. Sudan’s Team
3. BMCS1 Team
4. BMCS2 Team
5. City Sports Team
6. Young Somalian Team
7. F.C Som Team
8. BSYCS Team
9. Day One Project Team
10. Young Gunner Team Hadaba Tartankan waxa soo qaban qaabiyey ururka Dhalinyarada ee (BSYCS) Tartankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noocan oo kale ah, laguna qabto magaaladan.
Tartankan waxaa ka soo qayb galay xubno sarsare oo ka tirsan ururka, waxaa halkaas hadal gaaban ka soo jeediyay gudoomiyaha Ururka BSYCS A. Dirshe oo ugu baaqay dhalinyarada, inuu tartankani yahay fursad qaali ah oo ay isku bartaan iskuna dhexgalaan dhalinyarada degan magaalada Bristol, waxaa kaloo halkaa hadal baraarujin ah ka soo jeediyay gudoomiyaha ururka u qaabilsan dhinaca isboortiga Mohamed Abdi ( Shiine) iyo Xubin sare oo ka socota ururka (BSYCS) C/qaadir Halane, waxaa kaloo halkaas khudbad dheer kasoo jeediyay Ciyaartoyga weyn ee Shacir Shiiqow, oo u ciyaari jiray kooxo kala duwan islamarkaana metelay xulkii qaranka ee Soomaliya horaadkii 70maadkii. Runtii halkaas wuxuu kasoo jeediyay khudbad dheer uukaga hadlaayay khibradahiisa ciyaareed iyo waano uu u soo jeediyay dhamaan dhalinyarada ka soo qeyb-gashay tartanka, waliba waxaa kale oo uu ka qeeyb qaatay gudoonsiinta koobabka iyo biladaha. Waxaa kaloo goob joog ahaa maliintaas Prof Omar Sabriye oo ah lataliyaha Ururka BSYCS, wuxuu halkaas ka jeediyay qudbad dheer uu ku bogaadinaayo dhalinyarada, sidookale Gusha Hussein, Ahmed Said, Waxaa kaloo mahad leh Mudane Ibaraahim Massiah oo ah gudoomiyaha golaha sinaanta ee gobalka Bristol, iyo waliba Ras oo ka socday BCC qeeybta dhalinyarada, iyo Dildar oo isagana ka socday BDA.
Hada guntii iyo gunaanadkii waxaa halkaas ciyaartii kama dambaysta ahayd isugu soo baxay, Kooxda Young Somalian Team iyo BMCS1, waxaana halkaas guushii ku raacda hantiyayna koobtii kooxda Young Somalian Team. BSYCS waxeey u mahadcelineeysaa dhamaan dadkii ka soo qeeyb galay iyo kuwii waqtigooda u huray in eey maalintaas hirgasho. Waxaa mahad gaar ah leh Garash Media Production oo maalintaas door weyn ka qaatay dhinaca filim qaadista (M noor iyo Ahmed (Ilka-Case).
|